Minnesota Secretary Of State - Somali Skip to main content

Ku soo dhowow Adeegyada Ganacsiga ee Xoghayaha Gobolka Minnesota!


Hadafkeena halkan waa in aan dadka reer Minnesota siino wax kasta oo ay u baahanyihiin si ay u wadaagaan fursadaha dhaqaalaheena ugana qayb qaataan niyada hal abuurnimada taas oo ka dhigaysa gobolkeena meel wanaagsan oo lagu ganacsado.

Websaydkan waxaad ka heli doontaa sida:

  • Sida loo diiwaangeliyo ganacsi
  • Sida loo cusboonaysiiyo ama wax looga beddelo diiwaanka ganacsiga
  • Sida loo raadiyo macluumaad ku saabsan ganacsi

Iyo waxyaabo intaas dheer!

Qaar ka mid ah macluumaadkan waxaa lagu heli karaa luqado kala duwan, iyadoo kuwo kalena ay soo socdaan.

Waxaan rajaynayaa in boggani uu ku anfaco inta aad ganacsi ku dhex leedahay Minnesota. Fadlan nagala soo xiriir wixii rayi celin ah ama talo bixin ah ee ku saabsan sida aan u horumarin karno howlaheena.

Steve Simon

Xoghayaha Gobolka Minnesota


 

Su'aalaha Badiya La Weydiiyo

Ka hel hoos jawaabaha su'aalaha inta badan la isweydiiyo ama  booqo isku xiraha (links) dhanka midigta ah ee boggaan. Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah, waxaan  bixinaa adeegyada turjumaad khadka telefoonka ah. Wac xafiiskeena oo codso in turjubaan lagugu xiro. 

Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota Qaybta Adeegyada Ganacsiga waa meesha laga bilaabo ganacsiyada Minnesota, maadaama ay tahay in hay’adaha ganacsigu ku qasban yihiin in ay iska diwaangaliyaan xafiiskeena oo ay sannad walba cusboonaysiiyaan diiwaankooda si xogtooda u ahaato mid sax ah. Xogtan ganacsi waxay siinaysaa bangiyada, hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn iyo kooxaha kale aragti dheeraad ah oo ku saabsan dadka ay u adeegaan. Adeegyada Ganacsiga waxaa wehliya adeegyo kale oo uu xafiiskeenu qabto, oo ay ka mid yihiin:

  • Adeegyada Nootaayada (Notary Services): Qaybteena Adeegyada Nootaayada waxay diiwaangelisaa oo ilaalisaa guddiyada dadweynaha ee Minnesota ee nooyaayada sameeya.
  • UCC: Xeerka Mideynta Howlaha Ganacsiga (Uniform Commercial Code [“UCC”]) wuxuu sameeyaa halbeeg loogu talagalay in si isku mid ah loo diiwaan geliyo heshiisyada ganacsiga sida deymaha iyo heshiisyada kale ee wadanka oo dhan. Waxaan howlgelinaa heshiisyada deymaha, kuwaas oo ilaaliya danaha maaliyadeed ee waxyaabaha ay ka mid yihiin sida alaabta macaamiishu iibsato ama qalabka ganacsiga.
  • Tasdiiqaha (Apostille): Xafiiskeenu wuxuu soo saaraa tasdiiqid, taas oo ah shahaado xaqiijinaya saxeexa sarkaal dawladeed ama nootaayo dadweyne ee dukumeenti si loogu isticmaalo waddan kale.

 

Ganacsigayga in aan diiwaan geliyo miyaa?

Xaaladaha intooda badan, waxaa lagaaga baahan doontaa in aad xafiiskeena ka diiwaan geliso ganacsigaaga. Shirkadaha waaweyn (Corporations), shirkadaha la leeyahay laakiin dad kale maalgashadaan (limited part¬nerships), shirkadaha dadku leeyihiin ee madaxa banaan (limited liability), shirkadaha aan faa’iido doonka ahayn, iyo noocyada kale ee shirkad ah waa in ay iska diiwaan geliyaan xafiiskeena si ay uga dhex ganacsadaan Minnesota.

Milkiile keligiis ah (sole proprietor) (qof ku ganacsanaya magaciisa runta ah, oo buuxa) uma baahna dukuminti ka xareeyo xafiiskeena. Hase yeeshss, mulkiilayaal badan oo keligood ah ayaa doorta in ay xareeyaan magaca la qoondeeyay (assumed name) inay ku ganacsadaan magacaas oo aan ahayn magacooda (Tusaale: “Smith Painting (Rinjiilaha Smith)” magaca ah waxaa looga baahan doonaa in ay is diiwaan geliyaan laakiin hadii ay isticmaalaan “John Smith Painting (Rinjiilaha John Smith)” uma baahanayo is diiwaangelin). Ka raadi magaca ganacsigaaga in aad heli karo halkaan sos.mn.gov/name.

 

Sidee baan u diiwaan geliyaa?

Ganacsigaaga waxaad ku diiwaan gelin kartaa si onlayn ah, si shakhsi ahaaneed (adiga oo ballan dhiganaya), ama adiga oo buuxinaya foomka isla markaana u soo diraya xafiiskeena. Booqo sos.mn.gov/register si aad onlayn ugu buuxiso. 

 

Immisa kharash ah ayey ku kacaysaa?

Qiimaha isdiiwaangelintu wuu kala duwan yahay, wuxuuna u dhexeeyaa $135 ilaa $220 taas oo ku xiran nooca shirkadda. Ka eeg dhammaan kharashyadayada sos.mn.gov/fees.

 

Sidee baan u xereeyaa cusboonaysiinta sannadlaha ah?

Cusbooneysiinta ganacsigaagu waa mid degdeg loo sameyn karl, fudud, oo inta badanna bilaash u ah noocyada shirkadaha. Waxaad dib u cusbooneysiin kartaa onlayn ahaan (sida ugu dhaqsiyaha badan), qaab ah foom warqad ah aad noogu soo diri kartid, ama in aad ballan samaysato oo aad shakhsi ahaan u soo cusbooneysiiso.

 

Sideen ku ogaan karaa inaan u baahanahay inaan xereeyo dib u cusboonaysiinta?

Marka aad ganacsigaaga bogeebe ka raadiso si onlayn ah, waxaad arki doontaa boga ‘Business Records Details (Faahfaahinta Diiwaanka Ganacsiga)’, kaas oo ku tusinaya taariikhda dib u cusboonaysiinta ee soo socota. Waxaad xerayn kartaa dib u cusboonaysiinta wakhti kasta inta lagu jiro sanadka ay tahay in aad cusbooneysiinta sameyso. Booqo sos.mn.gov/renew wixii macluumaad dheeraada ah. 

 

Waxaad ballan ka qabsan kartaa Microsoft Bookings: sos.mn.gov/appointment. Ogow: Ballanta waxaa la heli karaa afar iyo toban maalmood ka hor.

Balamaha waxaa lagu qabtaa cinwaanka:
First National Bank Building
332 Minnesota Street, Suite N201
Saint Paul, MN 55101

Maxaa la igaga baahan yahay in aan sameeyo is diiwaan gelinta kadib?

 

WARGELIN [La cusbooneysiiyay Maarso 26, 2025]: Dhammaan hay'adaha lagu sameeyay Mareykanka - oo ay ku jiraan kuwa hore loogu yaqaanay “domestic reporting companies” ("shirkadaha warbixinta gudaha") - iyo milkiilayaashooda nacfiga ka hela hadda waa laga dhaafay shuruudaha ah in ay ka soo warbixiyaan macluumaadka lahaanshaha nacfiga leh (BOI) FinCEN. Shirkadaha ajnabiga ah ee jira ee ay tahay inay soo sheegaan macluumaadka lahaanshaha nacfiga leh waxay heystaan ugu yaraan 30 maalmood oo dheeraad ah laga bilaabo Maarso 26, 2025 - illaa la gaaro Abriil 25, 2025, shirkadaha badankood - si ay ku soo warbixiyaan. Wixii macluumaad dheeraad ah, ka fiiri war-saxaafadeedka iyo wargelinta.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah, la soo xiriir FinCEN ama lataliyahaaga sharciga.

 

Milkiilayaasha ganacsiga ee Minnesota ayaa ka warbixiyey in ay ka heleen waraaqo rasmi ah oo u eg shirkado dhinac saddexaad ah oo tilmaamaya in ay tahay in ay bixiyaan lacag si ay u sxameeyaan xeraynta dib u cusboonaysiinta ganacsiga ama ay u hoggaansamaan shuruudaha warbixinta. Fadlan ogoow in waxyaalo badan laga buuxin karo xafiiskeena ay lacag la’aan ama qiimo yar uun waxa la bixiyo.

Waxaad ka eegi kartaa khidmadaha la xiriira diiwaan gelinta kala duwan ee uu qabto xafiiskeena boga sos.mn.gov/fees.

Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota waligiis kuuma soo diri doono ogeysiisyo dib u cusboonaysiin ama waraaqo qoraal ah. Xafiiskayagu wuxuu kaliya soo diri doona iimaylo xushmad ahaan ah oo ku saabsan dib u cusboonaysiinta ganacsigaaga.

 

Bishii Sebtembar 2016, Xoghayaha Gobolka Minnesota Steve Simon waxa uu bilaabay Sawirka Xogta Kooban Ganacsiyada Minnesota (Minnesota Business Snapshot), hab sahan xog aan qasab ahanayn ah, oo  shan su’aalood ah oo u oggolaanaya milkiilayaasha ganacsiga in ay iskood uga warbixiyaan xogta dhaqaalaha iyo tirakoobka. Celcelis ahaan, 68% ganacsiyada ayaa ka jawaaba su’aalahaas sahanka ah.

Liis dhamaystiran oo su’aalaha sahanka ah, iyo macluumaadka ku saabsan sida loo dalbado xogta, ayaa laga heli karaa sos.mn.gov/snapshot.